FI Korona-info   EN Corona-info   SV Corona-info   RU Информация о коронавирусе   AR استعلامات كورونا‬

 

Bogga kan waxaa loo cusbooneeysiiyay sida soo socota:

15.2.2022 klo 14.30. Sawnada dadka ka dhexeysa iyo qolka naadiga ah ee ay dadku wadaagaan (Lenkkisaunat ja kerhotilat) waxaa la furayaa 28.2.
12.1.2022 klo 11.30. Saamatynta uu cudurka safmarka ah ee Korona ku leeyahay sawnada la isla gali karo ee dadka ka dhexeysa (lenkkisauna) iyo goobaha guud
15.10.2021 klo 9.30. Waxaan dib ugu laabanaynaa nidaamkii caadiga ahaa 12.10.2021
28.5.2021 klo 10.30. Isticmaalka saunada iyo qolka dadka ka dhexeeya (Lenkkisauna, Kerho tila) laga bilaabo 1.6.2021
3.12.2020 klo 11.40. Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago
30.11.2020 klo 14.00. Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah
30.11.2020 klo 14.00. A-Kruunu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn
30.11.2020 klo 14.00. Goobaha guud ee guryaha ka wada dhexeeysa
30.11.2020 klo 14.00. Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha
30.11.2020 klo 14.00. Caawinta deriska
30.11.2020 klo 14.00. Adeegga macaamiisha
30.11.2020 klo 14.00. Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

 


 

Sawnada dadka ka dhexeysa iyo qolka naadiga ah ee ay dadku wadaagaan (Lenkkisaunat ja kerhotilat) waxaa la furayaa 28.2.

Waxaan dib ugu laabanaynaa nidaamkii caadiga ahaa 12.10.2021

Isticmaalka saunada iyo qolka dadka ka dhexeeya (Lenkkisauna, Kerho tila) laga bilaabo 1.6.2021

Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago

Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah

A-Kruu­nu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn

Guryaha goobaha la wada wadaago iyo doorarka sawnada

Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha

Caawinta deriska

Adeegga macaamiisha

Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

 


 

Sawnada dadka ka dhexeysa iyo qolka naadiga ah ee ay dadku wadaagaan (Lenkkisaunat ja kerhotilat) waxaa la furayaa 28.2.

Warbixinta arrinkaan ku saabsan oo faahfaahsan ayaa guri walba si gaar ah loogu soo sheegi doonaa.

Arrimaha kale oo dhan waxaa loo hoggaansami doonaa tilmaanbixinnada haatan shaqaynaaya ee ay soo jeedisay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee THL.

 

Waxaan dib ugu laabanaynaa nidaamkii caadiga ahaa 12.10.2021

Dhammaan goobaheenna oo dhan waxaan dib ugu laabannay nidaamkii caadiga ahaa. Guri walba si gaar ah ayaa loogu sheegi doonaa faahfaahinta arrinkaan ku saabsan.

 

Isticmaalka saunada iyo qolka dadka ka dhexeeya (Lenkkisauna, Kerho tila) laga bilaabo 1.6.2021

Xaaladihii aan caadiga ahayn iyo xaddidaadihii ka jiray guryaha shirkadda A-kruunu intooda badan wali sidoodii hore ayay u sii soconayaan. Saunada dadka ka wada dhexeysa (lenkkisauna) lama isticmaalaayo. Qolka dadka ka dhexeeya (kerhotila) waxaa la isticmaalayaa, iyadoo la raacaayo xaddidaadihii ay soo rogeen maamul goboleedka koonfurta dalkaan Finland (AVI) laga bilaabo 1.6.2021. Faafaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaddidaadaha haatan jira waxaad ka akhrisan kartaa, bogga internetka ee maamul goboleedka koonfurta Finland. Sidoo kale tilmaanbixinnada iyo hagista waqtiga la socda ee ka imaanaaya dhanka hawlwadeennada dowladda waxaad kala socon kartaa bogga internetka ee hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL.

Dhammaan dadka halkaan ku nool waxaan xusuusinaynaa in ay si aad ah uga taxaddaraan arrimaha ku saabsan nadaafadda caafimaadka gacmo dhiqista iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo qufaco, oo ah in aad cududdaada ku qufacdo adigoo xusulka soo laabayaa, ama aad isticmaasho waraaqaha sanka. Waxaad iska ilaalisaa in gacantaada oo wasakhaysan ama cad, aad ku taataabato meelaha dadka ka dhexeeya dushooda sida badhanada wiishka, gacmaha albaabada iyo meel kasta oo dadka ka dhexeysa oo ay dhici karto in ay taataabtaan. Waxaan idinka rajaynaynaa in marka uu qofku kaligiis joogo ama cid kale la socdo goobaha dadka ka dhexeeya, ay u hoggaansamaan oo raacaan talooyinka la soo jeediyay ee dhanka ammaanka caafimaadka.

Haddii aad soo gudbinayso wargelin ku saabsan dayactirka arrimaha guriga, Waxaad farriinta aad soo dirayso ku soo sheegtaa, haddii guriga uu joogo qof uu ku dhacay cudurka korona, ama u nuglaaday ama koronaha dartiis karantiil loo geliyay.  Waxaan idinka codsanaynaa in dayactirka waxyaabaha aan degdegga ahayn aad dib u dhigtaan illaa iyo xilli dambe. Meelaha aad kala soo xiriiri karto shirkadda qaabilsan dayactirka guriga waxaad ka heleysaa bogga internetka ee shirkadda oo aad ka geli karto linkigaan: https://www.a-kruunu.fi/asukkaalle/kotitalosi
 

 

Feyruuska koroonaha ee safmarka ah saameyntiisa sawnada la isla galo iyo sawnada kirismaska iyo goobaha la wada wadaago

Tirada dadka laga helaayo feyruska korona si aad ah ayay u korortay, sababtaas awgeed ayaa hawlwadeennada dawladda waxaa ay soo saareen xaddidaado cusub. Xaddidaadahaas la soo rogay awgeed ayaan waxaan baajinaynaa ama kansalaynaa isticmaalka sawnada guud ee dadka ka dhexeysa ee aan u baahnayn in aad waqti gaar ah qabsato (lenkkisauna) ee ku taala daarteenna ilaa iyo muddo aan la cayimin. Sawnada kaltanka loo galo ee qof walbaa oo daarta deggan uu xilliga gaarka ah leeyahay, waxaa ay u sii soconaysaa sidii caadiga ahayd. Si loo dejiyo faafista cudurka safmarka ah waxaan rajaynaynaa, in qof kasta oo dadweynaha ka mid ah uu sawnada yimaado isagoo cafimaad qaba, kana taxaddaro nadaafadda caafimaadka ee gacmo dhiqista, islamarkaana ay sawnada isla galaan oo kaliya xubnaha qoyskiisa ah.

Goobaha naadiga (kerhotila) lama isticmaali karo, waxaa arrinkaan ka baxsan shirarka dadweynaha ee sharciga ku salaysan, kuwaasoo aan ahayn shirarka la xadiday ka soo qaybgalkooda, kuwaas wali waa la qabanqaabin karaa, haddii tixgelinta la siiyo tilmaanbixinnada iyo xaddidaadaha dhanka ammaanka ah ee hawlwadeennada dowladda ay soo saareen. Goobta dharka lagu dhaqo ee daarta ku taalla, dadweynuhu wali waa ay sii isticmaali karaan.

Waxaan xusuusinaynaa dadweynaheenna in marka ay isticmaalayaan goobaha guud ee daarta ee dadka ka dhexeeya, ay si aad ah ugu hoggaansamaan ka taxaddarista nadaafadda caafimaadka ee gacmaha iyo qufaca. Sidoo kale waxaad isticmaashaa afshareerka. Iska ilaali in gacan wasakh ah ama gacan maran oo aan goloofis ku jirin aad ku taataabato dusha sare ee biraha laqabsado, lambarada wiishka iyo siddada ama gaanjooyinka albaabada.

Marka aad soo gudbinayso macluumaadka la xiriira cilladaha guriga ka jira, waxaad sheegta haddii guriga uu joogo qof xanuunsan, u nuglaaday feyruska (altistunut) ama ay guriga joogaan dad korona awgiis karantiil loo geliyay. Waxaad idinka codsanaynaa in codsiyada dayactirka guriga ee aan dedegga ahayn aad illaa intii muddo dambe ah dib u dhigtaan. Macluumaadka la soo xisiiritsa shirkadda dayactirka guriga waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee shirkadda guriga. (Fadlan ogoow, in macluumaadka boggaasi lagu qoray afka ingiriisiga.)

Dadwaynaha waan u soo gudbin doonnaa macluumaadka ku saabsan, goorta la qaadi karo xaddidaadaha lagu soo rogay guryaha dadwweynyhu deggan yihiin.

 

Hey’adaha dowliga ahi waxeey soo rogeen xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, waqtiyada aay socdaan xanuunka koroonaha safmarka ah

Caasimadda iyo nawaaxigeeda, waxeey gaartay heer uu cudurka safmarka ahi aay ku baahday. Waxaanuna ka rajeeyneeynaa qof walba oo deggan A-Kruunu, in uu u hoggaansamo tilmaamaha la bixiyay qeybta kaaga aadan inta uu awoodo ee suurtogalka ah, si feyruuska baahiddiisu iyo sare u kiciisaba loo joojiyo.

Hey’adaha dowliga ah ee caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo kooxda koroonaha isku duwda waxeey sheegeen, in la soo rogay xaddidaadyo cusub iyo talo soo jeedinno cusub, xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnada cusub waxeey quseeyaan dadka waaweyn howlaha la xiriira dookhooda, goobaha dadweynaha aay wax ku qabsadaan, goobaha sida gaarka ah loo leeyahay ee wax lagu qabsado, goobaha la wada leeyahay,  goobaha heerka labaad ee waxbarashada iyo isticmaalka waji xirka tusaale ahaan kuwa goobta shaqada jooga iyo ardada dugsiyada sare dhigta.

Xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnada waxeey dhaqan gelayaan laga billaabo23.11.2020 waxeeyna soconayaan illaa mar dambe. Intaa waxaa dheeraad, magaalooyinka goobaha aay maamulaan ee la xiriira ku qabashada gudaha xagga kooxaha da’doodu ka weyn tahay 20 sano iyo howlaha dookha isboortiga ee istaabashada la xiriirta, waxaana la joojinayaa laga billaabo 23.11.2020 illaa saddex usbuuc, halka goobaha la wada wadaago ee kulammada gudaha lagu qabto waxaa la xaddidayaa ugu badnaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya 20 qofood laga billaabo 23.11.2020 waxuuna socon muddo saddex usbuuc ah.

Akri macluumaa sugan ee xaddidaadda iyo talo soo jeedinnada ee caasimadda iyo nawaaxigeeda kooxda koroonaha isku duwda bogaggooda internetka. (Fadlan ogoow in bogagga lagu qoray luqadda ingiriiska.)

Aagga Uudenmaa kooxda koroonaha isku duwda waxeey ku talinayaan, in xaddidaadyada iyo talo soo jeedinnadaaay tahay in sidoo kale laga dhaqan geliyo goobaha kale ee Uudenmaa.

Waxaan ka codsaneeynaa dadka deggan degaannadeenna, in aay u qaataan xaaladda si dhab ah. Cudurkaan safmarka ah faafiddiisu caqabadda la xiriirta waa arrin muhiim ah, in hey’adaha dowliga ahi xaddidaadda adag iyo talo soo jeedinnadoodaba la adeeco oo loo hoggaansamo.

Qof walboo inaga mid ah howl qabadkiisa gaarka ah ayuu ku xakameyn karaa faafidda feyruuska koroonaha:

  • Xasuuso badqabka kala fogaanshaha
  • In badan si taxadir leh gacmaha u dhaqo
  • Ku qunfac xagasha gacantaada ama maro tirtirka sanka
  • Isticmaal waji xirka haddii aadan ka fogaan karin qofka ku xiga
  • Doorbid ku shaqeynta goobaha beriga ka ah goobshaqeedka
  • Haddii aad ka shakisid in caabuq ku haayo, aad goobaha lagu baaro.

Howlaha kala duwan ee A-Kruunu aay qabato, si loo hakiyo fidista cudurka safmarka ah, waxaa habboon in la adeeco oo loo hogaansamo tilmaamaha iyo awaamiirta hey’adaha dowliga ah.

Faahfaahin dheeraad ah ee macluumaadka feyruska koroonaha ka dheeho bogagga hey’adda caafimaadka iyo bedqabka.

 

A-Kruu­nu tilmaamaha degganayaasha waqtiga xaaladaha aan caadiga aheyn

Xaaladda aan caadiga aheyn waxeey hadda saameyn ku yeelatay howlo maalmeedyada oo dhan. Haba ugu sii badnaatee howlo maalmeedyada ku qotoma xaaladaha guriga. Tani waxeey kaga baahan tahay dadka dhan, in aay u hogaaansamaan awaamiirta iyo degganayaasha kale ayagoo mudnaan la siinayo. Annaga ka A-Kruunu ahaan waxaan ku dadaaleeynaa, in aanu howlaha macaamiisheenna si wanaagsan u gudanno xilliga koroonaha sida dayactirka iyo howlaha nadaafadda. Xagga nadaafadda waxaanu ku dadaali doonnaa, in aan sii xoojinno sidii loo joojin lahaa fidista feyruuska, annagoo mudnaan weyn siin doonna dilista jeermiska iyo nadiifinta tayada leh sida xagga oogada meelaha gacmaha la saaro ama aay gaaraan.

 

Guryaha goobaha la wada wadaago iyo doorarka sawnada

Goobaha la wada wadaago, ku qulqulka ama ku dhex socoshada aan loo baahneyn waa in laga fogaadaa. Gaar ahaan waalidiintu waa in aay ka ilaaliyaan ku qulqulka ilmahooda goobaha la wada wadaago iyo goobaha lagu ciyaaro ee shirkadda guriga.

Goobaha sigaarka lagu cabbo, waa in laga fogaadaa ku sugnaanshaha aan loo baahneynin. Xaalad walbaba waxaa habboon, in fiiro gaar ah loo yeesho bedqabka kala fogaanta  loo jirsado dadyowga kale.

Daaraheenna waxaan kaga baajinnay, gebi ahaanba sawnada la wada galo. Guryaha doorkooda sawnada gaarka u ah, sida caadiga aheyd ayeey u socon. Haddii aad dooneeysid door cusub ee sawnada, kala xiriir shirkadda cillad bixinta ee daarta gurigaaga. Macluumaadyada ku saabsan shirkadda cillad bixinta daaraha, waxaad ka heli bogagga internetka ee degganayaasha. (Macluumaadka bogagga lagu qoray waa luqadda ingiriiska)

Si loo xakameeyo fidista cudurka safmarka ahi, waxaannu idinka rajeeyneeynaa, in qof walba uu adeeco talo soo jeedinnadayada iyo xaddidaadyada kulammada, sidoo kale doorarka sawnada: Imoow sawnada markaad caafimaad qabtid oo keliya, ka taxadir bedqabka caafimaad ee gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, sawnadana la gal reerkaaga oo kaliya.

Goobaha naadiyada ku kulmaan iyo goobaha kale ee la wada wadaago waa la mamnuucayaa, sida aay qabaan tusaalooyinka iyo awaamiirta hey’adaha dowliga ah. Goobaha dharka lagu dhaqdo ee daarta, degganayaasha wali weey isticmaali karaan.

Waxeeynu xasuusineeynaa degganayaasheenna, in la adeeco tilmaamaha iyo awaamiirta khuseeya gacmo nadiifinta iyo hab wanaagga loo qunfaco, marka la joogo ama la marayo goobaha la wada wadaago ee daarta. Ka fogoow taabashada oogada, sida qataaarrada albaabada, meelaha la cuskado iyo batoonnada wiishka ku taabashada gacmo qaawan ama wasaqeeysan. Isticmaal wiishka adiga keligaa, ama la raac qolyaha kula socda, waxaase la idinka doonayaa adeecista talo soo jeedinnadda kala fogaanshaha.

Wargelinnada cilladaha inagu soo ogeeysiiya farriimo, haddii guriga uu ku sugan yahay qof xanuunsan, cudurka koroonha looga shakisan yahay amaba koroonaha awgii loo karantiilay. Waxaanu idinka codsaneeynaa, in aad dib u dhigtaan codsiyada cillad bixinta aanan degdegga aheynin. Macluumaadyada ku saabsan shirkadda cillad bixinta daaraha, waxaad ka heli bogagga internetka ee degganayaasha. (Macluumaadka bogagga lagu qoray waa  luqadda ingiriiska.)

 

Waji xirka, maryaha jeermiska nadiifiya, shukumaannada qoyaanka leh iyo marada san tirtirka, intuba ma khuseeyaan godka musqusha in lagu rido. 

 

Shirarka degganayaasha iyo kulamada dhacdooyinka degganayaasha

Gabi ahaan shirarka 2020 ee degganayaasha guryaha waxaa loo qaban habka aaladda Teems-ka ee shirarka. Qaar ka mid ah shirarka waa la qabtay, khibradaha laga dhaxlayna waa mid hagaagsan.

Gabi ahaan kuwa kale ee kulammada dhacdooyinka degganayaasha ee goobjoogga la yahay waxaa loo wareejiyay mustaqbalka. Sidaa sahlan ayaa waqtiga dijitalka ah lagu maareeyaa kulammada dadyowga degganayaasha guryaha, laguna dardar geliyaa kooxaha warbaahinta arrimaha bulshada. Wax walba oo farxad ku dhalin kara dadka kale, waqti xaadirkaan waa la oggolyahay. Waxaa la oggolyahay tusaale ahaan si wadajir ah in heeso la wada qaado ayadoo markaasi aay cid walba aay goobjoog ku tahay balakoonkooda iyo waxii kale ee aay curin karaan oo hab dhaqan bedqab ah oo wadajir ahaaneed.

Aynu xasuusinno shirkadda guriga boggeeda faysbuugga iyo kooxaha kale hab dhaqan wanaag iyo xafidaadda sharafta dadka.

 

Caawinta deriska

Dadka oo dhan ma wada laha ku xirnaanta waqtiga dijitalka, haddaba waa in aaynu xasuusanno deriskaasi. Waxeeynu u sameeynay degganayaasheenna isticmaalka wargelinta boorarka, halkaas oo kuwa doonaya degganayaasheenna in eey caawiyaan, aay halkaasi macluumaadkooda ku biirin karaan. Waxeeynu keeni doonnaa daarta boor wargelinnada lagu qoro, haddii kalena adiguba waad daabici kartaa wargelinta tan oo waad ku dhajin kartaa boorka wargelinnada.Waxaad wargelinta ka daabacan kartaa boggeena internetka waa halkaan. Haddii aad ogtahay, in dariskaaga aay ku jiraan dad ka weyn 70-sano jirro ama qof ka mid kooxada khatarta ku jirta, waad haddaba uga tuuri kartaa godka boostadiisa warqaddaasi, waadna ku caawin kartaa kaalmo xagga dukaanka ama adeegga farmashiyaha.

 

Adeegga macaamiisha

Waxaannu ugu adeegnaa macaamiisheenna xagga email-ka iyo telefoonka. Arji u qorashada guryaha sidii caadiga aheyd ayeey kaga socotaa bogaggeenna internetka.

Tel. 0207 207 100
isniin–jimco saacadda 12-14.30
vuok­raus@a-kruu­nu.fi

Waxeeynu idin ka codsaneeynaa, in wargelinnaada cillaadaha ee annaga na khuseeya iyo kuwa kale ee wada shaqeynta aanu leennahay, in aad noo reebtaan, kuwooda aan degdegga aheynna waqtiyada dambe dib inoogu dhigtaan. Xaaladda shaqada ee degdegga ah farriin nagu wargeli, haddii uu guriga uu joogo qof xanuunsan oo looga baqayo in uu qabo koroona ama sababtaas awgeed karantiil loo galiyay. Sidaas ayaannu si huffan uga rogaal celin doonnaa. Daar walba waxaad ka heli A-Kruunu boggeeda internetka bogagga degganayaasha daarta. 

 

Isgaarsiinta iyo macluumaad bixinta

Mar walba hadba baahida jirta ayadoo la eegayo weeynu cusbooneeysiin tilmaamaha iyo awaamiirta, waxaana laga akhrin karaa bogagga internetka ee A-Kruunu. Gebi ahaan wargelinnada waxaa sidoo kale loogu diri doonaa degganayaasha email-ka, kuwa aanu heyno email-ladooda, intaa waxaa ka dheeraad ah, in aanu ku dhajin doonno boorta wargelinnada daaraha.

Go up